Nin sabab yaab leh dil uga geystay Maqaayad ku taalla Magaalada Paris

Nin Maqaayad cunno ka iibsanayay ayaa toogtay ninkii dalabka ka qaaday ee ka tirsanaa shaqaalaha Maqaayadda ka dib markii laga daahiyay cuntadii uu dalbaday.

Booliska ayaa sheegay in baarintaan la sameeyay iyadoo arintan ay ka dhacday maqaayad ku taalla bariga Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Ninka dilkaas yaabka leh geystay ayaa goobta ka baxsaday, ilaa haatanna gacanta laguma soo dhigin, waxaana raadinaya booliska.

Gaari ambalaas ah ayaa isku dayey in 28 jirkaan dalab qaadaha ka ahaa maqaayadda uu badbaadiyo, balse ninkan oo madaxa laga toogtay ayaa ku dhintay isla goobtii lagu toogtay.

Asxaabtii ay shaqa wadaagga ahaayeen ayaa booliska u sheegay in ninka toogashada geystay uu xakameyn waayay caradiisa ka dib markii ay ka daahday cunnadii uu dalbaday.

Dilkaasi ayaa waxaa ka carooday dadka deegaanka iyo ganacsatada oo dhinaca kale sheegay in in goobtaas ay ka jireen fal dambiyeedyo sii kordhayay iyo isticmaalka maan-dooriyeha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -