Shaqaaqadii caawa ka dhacday Dhuusamareeb oo War laga soo saaray

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa sheegay in shaqaaqadii caawa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb aysan xariir la laheyn shirka lagu qabanayo magaalada ee loogu diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Guddiga ayaa sheegay in ciidamada amniga oo kala shakiyay ay is-rasaaseyn kooban dhex martay, cid wax ku noqotana aysan jirin.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug waxay caddeeyeen in howlihii diyaar garowga shirka ay sidoodii u socdaan maantana ay magaalada soo gaareen inta badan ergada ka qayb geleysa shirka, lana dejiyay xarumihii loo qorsheeyay, ergada dhimanna ay berri imaan doonaan.

Caawa ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug waxaa ka dhacay dagaal kooban oo dhex maray ciidamada ka shaqeeya amniga magaalada, waxaana wararkii horay usoo baxay ay sheegayeen in ay isku dhacu uu ka dhashay qaabka loo maamulayo amniga shirka iyo xarumaha ergada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -