Wakiilka QM ee Somalia oo ka digay hanaanka ay ka socoto doorashada Jubbaland

Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa digniin ka soo saaray qaabka ay ku socdaan geeddi socodka doorashooyinka Jubbaland.

Qoraal uu James Swan u diray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in haddii aan la qaadin tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada doorashada Jubbaland.

“Haddii Guddiga doorashadu aysan wax ka qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah” ayuu yiri wakiilka QM ee Somalia

James Swan ayaa sheegay si loo joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubbaland ay tahay iney dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay oo loo maray dariiq sax ah.

Waxaa uu uga mahad celiyay guddiga go’aanka ay saddex maalmood dib ugu dhigeen doorashada Madaxweynaha, si ay isku diiwaan geliyaan musharaxiinta mucaaradka, balse James Swan ayaa sheegay in isbeddelada guddigu sameeyeen aysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado.

Hoos ka akhriso uu James Swan u diray guddiga doorashada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -