Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowlada oo Al Shabaab kala wareegay Degmo katirsan gobolka Hiiraan

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa saakay dagaal la’aan kula wareegay Degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii degmadaasi isaga baxeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Saraakiisha hogaamineysa ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in gudaha u galeen degmada Maqokori, waxa ayna Saraakiisha sheegeen in Al Shabaab isaga baxeen degmada kahor inta aysan soo galin.

Ciidamada Milatariga ayaa howlgalo iyo baaritaano kawada qeybo kamid ah Degmada Moqokori ay saakay la wareegeen, lamana soo sheegin wax dhibaato ah oo ka dhacday degmadaasi.

Al Shabaab ayaan dhankooda ka hadlin ciidamada dowlada ee maanta kala wareegay degmada Maqokori, waxaana inta badan Al Shabaab ka baxaan deegaanada ay joogaan marka weerar xoogan lagu soo qaado.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa horey dhoor mar u qabsaday degmada Moqokori inkastoo aysan ku nagaan oo ay ka baxeen, lamana oga in hada ay sii joogi doonaan iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo magacaabay taliyaha booliiska Puntland xil ka qaadisna ku sameeyay Taliyaal ciidan

Cabdi Cade

Xisbullah oo talaabo culus qaadeysa Maalmaha soo socda

Caydiid Ali

Shiikh Shariif: “Masiirka ummadu uma afduubnaan karo ashkhaas kursiga inay sii joogaan raba”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---