Rasaas xoogan oo caawa laga maqlay Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyey

Tacshiirad xoogan ayaa laga maqlay fiidnimadii caawa magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan goobta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee dhowaan ka furmaya magaaladaas.

Daryanka rasaasta ayaa abuuray khal khal xoogan iyo kala carar ku dhacay dadkii meesha ka dhawaa iyo qaar ka mid ah ergooyinka ka qeyb galaya shirka.

Saraakiisha amaanka Dhuusamareeb faahfaahin kama bixin arintan balse warar qaar ayaa sheegaya in rasaasta ay isweydaarsadeen ciidamada Booliska iyo kuwa nabad Sugida Galmudug oo isku qabtay cida looga dambeynayo amniga xarunta shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Lama oga in khasaare nafeed uu ka dhashay rasaastan la isweydaarsaday oo muddo kooban socotay, waxaana haatan degan xaalada Magaalada Dhuusamareeb.

Masuuliuyiin iyo saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ku baxay ciidamada rasaasta isweydaarsaday, iyagoo wada dedaalo lagu xalinayo muranka sababay gacan ka hadalka.

Ergooyinka metelaya qaar ka mid ah beelaha degaanada Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee dhowaan magaaladaas ka furmaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -