Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Toogasho Khasaare nafeed geysatay oo ka dhacday dalka Maraykanka (Sawirro)

Magaalada Taariikhiga ah ee Philadelphia, waxaa shaley galab ilaa xaley ka socdey toogasho iyo weerar dhex marey dabley hubaysan iyo ciidmada Booliiska

Inta la xaqiijiyey 6 ka mid ah ciidamada booliiska ayaa la dhaawacay, waxaana dableydan ay wadeen muddo saacado ah weerarkan.

Booliiska ayaa si nabadgalyo ah dad shicib ah uga daad gureeyey goobaha dagaalku uu dhexmarayo dableyda.

Goobaha ganacsiga ee magaalada qeybo ka mid ah ayaa la xiray, waxaana dadka qaarkood amar lagu siiyey iney ku jiraan guryahooda.

Tacshiirada ayaa bilaabatay markii boolisku isku dayeen iney soo xiraan rag ka tirsan kooxo burcad ah oo dhibaato ka geystay magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo amar cusub soo saaray

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo gaaray Afmadow, lana kulmay taliye Mahad Islaam (Sawirro)

Caydiid Ali

Ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xaalado adag kusoo arkay Doolow (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---