Axmed Madoobe oo gaaray Afmadow, lana kulmay taliye Mahad Islaam (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha waxaa waxaa safarkan ku wehelinaya qaar kamid ah Sarakiisha Ciidamada iyo masuuliyiin kale iyadoo uu qayb ka yahay socdaal shaqo oo uu ku marayo qaar kamid ah deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Degmada Afmadow kusoo dhaweeyay Sarakiisha iyo Ciidamada ku sugan Degmada Afmadow iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Axmed Madoobe ayaa saraakiisha uu la kulmay waxaa ka mid ahaa taliyaha Ciidamada daraawiishta Jubbaland Gaashanle dhexe Mahad Islaam oo dhowaan warbaahintan ku faafiyey xiriir uu sheegay iney la soo sameeyeen taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo Madaxweyne Farmaajo, isagoo xusay inuu fashiliyey qorshe ka dhan ahaa Axmed Madoobe oo loo soo jeediyey.

Waxaa si dardar leh u socda dadaalka uu Madaxweynahu ugu jiro sidii loo dardar galin lahaa howlagalada dib u xoraynta ah ee ka socda deegaanada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -