Shimbiro sababay iney dhacdo dayuurad siday rakaab ka badan 230 qof (Sawirro)

Dayuurad rakaab siday ayaa si deg deg ah uga degtay meel u dhaw magaalada Moscow ka dib markii ay shimbiro ku dhacday.

Diyaaradda waxa saarnaa 233 qof oo rakaab ah. Shimbiraha ayaa galay matoorka, waxayna gaarsiiyeen waxyeelo.

Ugu yaraan 23 qof ayaa dhacdadan ku dhaawacmay, sida ay saraakiisha caafimaadku sheegeen.

Dayuuradan oo nooceeda yahay Airbus 321 ayaa u socotay degaanka Simferopol Crimea markii ay baalasheeda ku dheceen shimbiro taasi oo motoorka diyaaradda wax yeelaysay.

Warbaahinta qaarkood ayaa in diyaaradda ay degto ku tilmaamay mucjiso.

Shirkadda ayaa sheegtay in diyaaradda uu burbur weyn ka gaaray garbaha ay ku duusho ayna duuli weyday, baaritan rasmi ah ayaa la sheegay inuu socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -