Ciidamada Danab oo howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka Shaam

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa saakay howlgal qorsheesan waxa ay ka fuliyeen Deegaanka Shaam oo kuyaala inta u dhaxeysa Degmada Owdheegle iyo Deegaanka Bariire.

Taliyaha Ciidamada Dhulka General Odowaa ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in howlgalka qorsheesan ay ciidamada ka fuliyeen deegaanka Shaam khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

“Waxaan Howlgal Qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle waxaana jab xoogan ugu geysannay Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo iyagu u bareera had iyo jeer daadinta dhiigga iyo dhacca xoolaha shacabka soomaaliyeed, annagoo la wareegnay gacan kuheynta deegaankaas.”

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa dhawaan Al Shabaab kala wareegay degmada Owdheegle, waxa ayna ciidamada wadaan howlgalo ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan deegaano iyo Degmooyin kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

 

- Advertisement -