Madaxweyne Qoor-qoor oo Khudbad ka jeediyey Aqalka Sare, kana hadlay.. (Sawirro)

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenada 1aad iyo 2aad ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmad Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo xarunta aqalka sare gaaray maanta.

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo Booqasho rasmi ah ku tagay Golaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha Galmudug oo ay la socdaan Wafdi ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan Baarlamaanka & golaha Wasiiro Galmudug ayaa Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ka hor-jeediyey warbixin ku saabsan xaalada siyaasada ee dalka iyo tan Galmudug iyo shirarka ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waxaan rabaa inaan is dul taago arinta Gobalka Banaadir, Mudane Guddoomiye waxaan rabaa Aqalka Sare muddo xileedkiisa 2aad in uu metelaad ku yeesho Gobalka Banaadir, waa magaalo ama bulsho duruuf waliba oo dowlad leedahay si gaar ah ugu dhacdo, waan ku kalsoonahay inaad dadaalkiina ku biirin doontaan, Madaxweynuhuna dadaal iska saari doono,”  ayaa ka mid ahaa hadaladii uu halkaas ka jeediyey madaxweynaha Galmudug.

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa dhowaan booqday khudbadana ka jeediyey aqalka sare ee baarlamanka Somalia, iyadoo Madaxweyne Qoor-qoor uu noqonayo Madaxweynaha dowlad goboleedkii 3aad ee booqda aqalka sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -