Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka & bahda Allbanaadir Online oo shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeynaya Ciidul-adxaa

Maamulka, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha Shabakada Allbanaadir Online waxay hambalyo u dirayaan guud ahaan ummaddaha islaamka meel kastoo ay joogaan gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed taasoo ku aadan Munaasabada Ciidul adxaa.

Agaasimaha guud ahna Milkiilaha shabakada Wararka Allbanaadir Online Mudane C/raxmaan Macalin Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney is cafiyaan farxada munaasabada ciida awgeed ayna isku naxariistaan si ay u helaan naxariista ALLE.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan shaqaalaha, howlwadeenada shabakada allbanaadir online iyo keygaba waxaan hambalyo ku aadan Munaasabada Ciidul-adxaa u dirayaa dhamaan ummada islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo muslimiinta gudanaya waajibaadka xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka” ayuu yiri  Agaasimaha.

C/raxmaan Macalin Xuseen ayaa u rajeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shucuubta islaamka meel kasta oo ay joogaan iney sanadkan kiisa kale ku gaaraan, guul horumar, nabad iyo Barwaaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise sharciyeedka amniga Saybarka iyo xeer Nidaamiyaha…

Cabdi Cade

Saraakiisha socdaalka DF oo nin caan ah ku xanibay garoonka Muqdisho

Caydiid Ali

Dayuurado shil ku galay hawada & dad dalxiisayaal ah oo ku dhintay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---