Dab saaka ka kacay Magaalada Kismaayo & Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Ciidamada Dab-damiska dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dab saaka waaberigii ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla Isgoyska Aargo ee bartamaha magaalada Kismaayo.

Dabkan oo dhashay Koronto ku jirtay goobta ganacsi ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada gurmadka deg deg ah ee Dab-damiska Jubbaland oo lagu war geliyey dabka.

Waxaa muddo kooban ka dib lagu guuleystay in la bakhtiiyo dabka oo aan gaarin goobihii kale ee ganacsi.

Ma jiraan wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabkaan inkastoo hanti aan cadadeeda la ogeyn uu malafsaday. waxaana la arkayay ilaa 4 gaadiidka dab damiska ah oo ku sugan goobta.

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan Odayaasha dhaqanka degaannada Galmudug ee dhawaan iska diiwaangeliyay meelaha ay ka taliyaan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -