Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano taageersan Gudoomiye Jawaari oo digniin cusub soo saaray (Shir Jaraaid)

Xildhibaano taageersan gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ka digeen in kulan aan loo dhamayn la qabto maalinta Arbacada ah ee soo socota.

Waxay ku eedeeyeen masuuliyiinta Xukuumada iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Cabdi weli Muudey inay fowdo ka wadaan dalka ayna ka shaqeynayaan iney u wax dhimaan nidaamka dowladeed ee ka jira.

“Waxaan  aaminsannahay haddii la isku dayo in shir lagu bedelayo kii sabtidii lagu qabto Muqdisho Arbacada waxay dhalin doontaa xiisad ka weyn tii Sabtidii dhacday.”ayaa lagu yiri shir jaraa’id ee ay qabteen xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha inuu wax ka qabto arintan.

Xiisad siyaasadeed iyo kala qeybsanaan loo maaro la’yahay ayaa weli ka dhex aloosan baarlamanka Somalia kuwaasoo ka dhalatay mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari, mana cadda halka xaalku ku dambeyn doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis wax-tar u leh dadka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Katz oo loo Magacaabay Wasiirka Difaaca Israel

Caydiid Ali

Muuse Biixi: “Qof aan wadan Passport-ka Somaliland ma tegi karo Somalia” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---