Madaxweyne Farmaajo & Raisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya oo khadka telefanka ku wada hadlay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefanka ugu hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abi Ahmed oo maanta oo isniin ah loo dhaariyay Xilka Ra’iisal wasaarenimo ee dalkaasi.

“Waxaan u xaqiijiyay inaan ka dhabeyno xiriirkeena labada dal si kor loogu qaado Ganacsiga,maalgashiga iyo in la xoojiyo Amniga Gobolka,waxaana shaki ku jirin in Ra’iisal wasaare Aby Ahmed xoojin doono wada shaqeynteena,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya mar uu khadka Talefenka kula hadlay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa Ra’iisal wasaare u doortay Abi Axmed,waxaana mar uu maanta ka hadlayay Munaasabadda xilka loogu dhaarinayay  sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal,iyada oo loo marayo wadada wada xaajoodka.

Xisbiga haya talada wadanka Ethopia ayaa bishii hore Abi Axmed u doortey inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga kadib markii uu xilka iska casiley Raisal wasaarihii hore ee Hilamariam Desaglen taasoo ka dambeysay markii ay ka dhaceen dalkaas kacdoono badan oo looga soo horjeeday maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -