Muuse Biixi: “Qof aan wadan Passport-ka Somaliland ma tegi karo Somalia” (Sawirro)

Munaasabad ballaaran oo loogu dabbaal-degayo 60-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii oo ah markii ay Somaliland xorriyaddeedii ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadda loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 60-guurada kasoo wareegtay 26-kii, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland, wakiilllo ka socda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Turkiga, qaar ka mid ah golaha wasiirradda, xildhibaanno, siyaasiyiin, ganacsato, haldoor, aqoonyahan, haween, qeybaha bulshada reer Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana munaasibadda laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay maalintaasi leedahay iyo taariikhda ma guuraanka ah ee ay xambaarsan tahay.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey munaasabada ayaa ku dheeraaday halgankii gobanimadoonka oo uu sheegay in markii lagu guuleystay ay Somaliland gashay dhibaatooyin kale oo lama filaan ah, kuwaasoo kaga yimid midnimadii Somaliweyn.

Waxaa uu intaas ku daray in Somaliland ay horumar balaaran oo dhinac walba ku talaabsatay tan iyo markii 30 ka hor ay ku dhawaaqday iney tahay dal ka madax banaan Somalia, isagoo xusay ineysan dhici doonin mar kale iney Somalia dib ula midoobaan wax kasta oo dhaca.

Mar uu soo hadal qaaday wadahadaladii ay la yeesheen dhowaan dowlada Somalia ayuu sheegay iney ahaayeen kuwo wanaagsan ayna u wada hadlayeen sdii labo dal oo deris ah.

“Wadahadalka Somalia iyo Somaliland wuxuu ku bilowday labo dowladood oo siman, isla sidaas ayuuna ku dhamaan doonaa, wax ka yar ka jiraan, Haddii aan ka hadlo qodob ka mid ah heshiiskii aanu la galnay DF oo ah isdhexgalka waxaan cadeynayaa inuusan jirin isdhexgal siyaasadeed oo dhexmaraya labada dhinac, wuxuuna ku kooban yahay Fanka, dhaqanka iyo isboortiga, Soomaaliya waxaynu ku tegi karnaa oo keliya Passport-ka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Calanka Somaliland inagoo sidana, Fiise ayey siineysaa Muqdisho waa loogu dhufanayaa wixii aan intaa ahayn ma aqbaleyno” ayuu yiri Muuse Biixi.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA IYO MUUQAALKA HADALKA MUUSE BIIXI UU KU SHARAXAY IS DHEXGALKA SOMALIA IYO SOMALILAND

  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -