Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Beesha caalamka oo Magaalada Kismaayo u dirtay Wafdi xaqiiqo raadin ah

Maanta waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Kmg ah ee Jubbaland soo gaarey wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda urur goboleedka IGAD kaasoo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr. Mohamed Ali Guyow.

Wafdigan oo ay garoonka ku soo dhaweeyeen qaar ka mid ah golaha fulinta ee Jubbaland ayaa caawa ku hoyanaya guriga martida ee Magaalada Kismaayo.

Wafdiga IGAD ayaa magaalada Kismaayo ku sugnaan doona muddo saddex maalmood ah ayaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashada Jubbaland, Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baaralmaanka, Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee is diiwaangeliyey iyo qeybaha kale ee ururada bulshada Jubbaland.

Wafdiga ayaa si rasmi ah ugu kuurgali doona habsami u socodka diyaar garowga Doorashada Jubbaland inta ay Kismaayo ku sugan yihiin.

Gebegabada waxay wafdigan la kulmi doonan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyadoo aan la ogayn waxyaabaha kulankaas kasoo bixi doona.

Beesha caalamka ayaa u dheg taageysa natiijada safarka wakiilka IGAD ee Kismaayo kaasoo noqon doona go’aanka ay ka qaadan doonto habsami u socodka doorashada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubin muhiim ah oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Cabdi Cade

Wasiir Xasan Macalin oo ka baaqsaday kulankii Baarlamaanka iyo Carro ka dhalatay

Cabdi Cade

Meydka Marxuumad Luul C/casiis oo bil ka dib lagu aasay Muqdisho (Sawirro+Video)

Caydiid Ali