Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cilad adag oo soo wajahday Bogaga facebook & Instagram iyo jahwareer ka taagan

Cilad guud oo soo wajahday facebook iyo Instagram iyo jahwareer ku dhacay Malaayiin qof

Waxay u muuqataa in aaladaha Facebook iyo Instagram ee warbaahinta bulshada ay labaduba hoos u dhaceen taasoo ka dhalatay cillad saamaysay kumanaan iyo Malaayiin qof

Cilladda ayaa u muuqda in ay billabantay abaaro 3:00pm galabnimo iyadoo ay wali socoto caqabaddu lamana oga xilliga la hagaajin doono.

Waxaa jiray in ka badan 300,000 oo wargelin ah kuwaasoo sheegaya in Facebook-ga uu maqan yahay, halka ay jiraan in ka badan 20,000 oo lagasoo sheegay Instagram oo ay shirkadda Meta wada leedahay, sida laga soo xigtay mareegaha oo raadraaca go’itaanka iyaga oo ururinaya warbixinnada xaaladda dhowr ilo, oo ay ku jiraan isticmaalayaasha.

Wakaaladda wararka ee reuters ayaa sheegtay in shirkadda Meta aysan isla markiiba kasoo jawaabin codsi ay u dirtay si ay faallo uga bixiyaan cilladda.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga dareemay cilada ka taagan Facebook, iyadoo dad kumanaan gaaraya ay awoodi nla yihiin iney isticmaalaan

Related posts

Muxuu yahay Buugga Danjire Cagabaruur gudoonsiiyey Machadka Diblumaasiyada?

Caydiid Ali

(Sawirro) Al-Shabaab oo laga qabsaday saldhigii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen Mudug

Caydiid Ali

Muxuu yahay dhismaha cusub ee uu xarigga ka jaray Madaxweyne Qoorqoor? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---