Villa Somalia oo ka tanaasushay Mid ka mid ah caqabadihii ku hor gudbanaa doorashada

Sida ay sheegayaan warar la helayo oo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in wax laga bedelo xubnaha guddiga Doorashada ee muranka dhaliyey.

Waxaa socda isku dayo lagu xalinayo muranka hareeyay Doorashada, Waxayna wararka sheegayaan in ku dhawaad 15 xubnood ay dhinacyada diidan Guddiga xuseen magacyadooda in guddiga laga saaro

Xubnaha bedelkooda la soo jeediyey qaarkood ayey dowladda su’aal ka keentay sababaha lagu diidan yahay, maadaama xil dowladeed aysan heynin.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa guddigan ku eedeeyay inay ku jiraan xubno la tirsan kuwa Amniga, shaqaale ka tirsan xafiisla Madaxweynaha iyo taageerayaasha Farmaajo oo caan ka ah baraha Bulshada.

Beesha caalamka ayaa wadda dadaalo ay ku dooneyso in la iskugu yimaado kulan kale oo lagu xalinayo khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.

Haddii xitaa la xaliyo arrinta guddiga doorashada waxaa jira qodobo kale oo weli la isku maan dhaafsan yahay, sida arrinta gobolka Gedo iyo arrinta doorashada xubnaha gobolada Woqooyi, kuwaasoo aan illaa hadda loo heyn xal la isku raacsan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -