Senator balan qaaday in Ilhan Cumar u iibinayo tigit si ay Soomaaliya u tagto !!

Senator katirsan Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa balan qaaday in Ilhan Cumar oo katirsan Aqalka Koongareeska u iibinayo tigit si ay u tagto Soomaaliya una soo argato xaalada ka jirta.

Wareysi uu bixiyay Senator Rand Paul ayuu ku balan qaaday in uu diyaar u yahay in Xildhibaan Ilhan Cumar u iibiyo tigit diyaaradeed si ay usoo aragto dhibaatada ka jirta Soomaaliya ay asal ahaan kasoo jeedo .

“Anigoon oranayn meel baan u diraynaa, haddana waxaan ku caawinayaa in aan tigid u gado si ay Soomaaliya u soo aragto, waxaan filayaa in ay wax ku qaadan doonto oo ay wax uun ka baran doonto muusiibada Soomaaliya ka taagan – ma jiro dastuur dadka siinaya xuquuqdii ilahay siiyey, waxaana ka jira ku dhawaad toddobo qabiil oo 40-kii sano ee la soo dhaafay is dagaallayay”, ayuu yiri Senator Rand Paul.

Senatarka ayaa sheegay in sababta uu u doonayo in Ilhan Cumar u tagto Soomaaliya ay tahay in ay soo aragto dhibaatada halkaasi ka jirta si ay ugu mahad naqdo marka ay soo laabato dalka ay dhalashadiisa heesato ee Mareykanka.

“Waxaa fiicnaan lahayd Ilhan Cumar in ay Soomaaliya xoogaa soo joogto, si ay u soo laabato ayadoo Maraykanka u mahadnaqaysa”. ayuu yiri ku yiri Wareysiga uu bixiyay Senator Rand Paul.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa horey afar Xildhibaan ay ku jirto Ilhan Cumar ugu baaqay in ay ku laabtaan dalalka ay asal ahaan kasoo jeedaan uu sheegay in ay colaado ka jiraan.

Hadalkan kasoo yeeray Senatarkan Mareykanka ayaa u muuqda mid lagu taageerayo hadalkii hore ee Trump, waxaana Senatorkan uu siyaasad ahaan taageersan yahay Madaxweynaha isagoona kasoo horjeeda aragtida Xildhibaanad Ilhan Cumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -