Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay Wadahadallada Dowladda iyo Somaliland

Ra’iisul wasaare ku-xigeena xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku baaqay in la dar-dargeliyo wadahadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in miiska wadahadalka la isugu yimaado oo wada-hadal dhab ah la galo, laga doodo hannaanka ugu habboon ee looga shaqeyn karo danaha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa bishaan gudeheeda magacaabay Guddiga dhab-u-heshiisiinta iyo wada-hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland si ay uga shaqeeyaan sii wadidda wada-hadalka oo la qorsheynayo in lagu gaaro tub wadahadal oo saldhig u noqota mustaqbalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo Saadaq Joon oo kulmay iyo Xog ku aadan waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo booqasho lama filaan ah ku tagay dalka..

Caydiid Ali

Toogasho saakay ka dhacday magaalada Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---