Shirkadda Twitter oo hawada ka saareysa Malaayiin cinwaan iyo Sababta ka dambeysa

Maamulka shirkadda Twitter ayaa sheegay inay maalin kasta  hawada ka saarayaan in ka badan 1 milyan oo ah Akoono been abuur ah.

Arrintan u muuqata mid jawaab u ah dhaleecayn xooggan oo shirkadda uga timid maalqabeenka Elon Musk oo damacsan inuu si rasmi ah u dhamaystiro heshiiska uu ku iibsanayo shirkadda Twitterka balse ka hor yimid tirada akoonada been abuurka ah ee shirkadda u diiwaan gashan, kuwaasoo uu dalbaday in hawada laga saaro.

Maalqabeenkan ayaa ku hanjabay hadii maamulka Twitter ay Meesha ka saari waayaan akoonada been abuurka ah inuu hakinayo dhamaystrka heshiiska uu ku iibsanayo shirkadaas ee gaaraya $44 billion oo dollar.

Shirkadda Twitterka ayaa sheegtay in cinwaanada been abuurka ah ay ka yar yihiin 5%, bale Elon Musk ayaan ku qancin isagoo aaminsan iney intaas ka badan yihiin.

“Shaqaale tiro badan ayaan u kiraynaa sannad walba inay kala hufaan akoonada shirkadda si loola dagaalamo kuwa la abuuray” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkadda.

- Advertisement -