Dekadda Kismaayo oo laga soo saaray Haraadiga Maraakiib horey u degay (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta dekadda magaalada Kismaayo laga soo saaray haraadiga maraakiib iyo dooman horey ugu degay dekaddaasi,waxaana haraadiga biraha maraakiibta dhibaato ugu qabay doomanka iyo Maraakiibta kusoo xirta Dekadda.

Injineero u shaqeeya shirkad ajnabi ah ayaa saakay bilaabay in qeybo kamid ah dekadda magaalada Kismaayo kasoo saaraan haraadiga biraha Maraakiib sanado badan kahor halkaasi ugu degay.

Sida aan wararka ku heleyno waxaa maanta lagu guuleestay in dekadda Kismaayo laga soo saaro haraadiga dhowr markab oo horey dekadaasi ugu degay, waxaana wali ku harsan oo laga soo saarayaa maraakiib kale.

Maraakiibtan laga soo saarayo Dekadda Kismaayo ayaa caqabad ku ahaa shaqooyinka joogtada ah ee ka socda marsadda,waxaana mas’uuliyiinta Jubbaland ay sheegeen inay tallaabadaasi ay tahay guul horumarineyd oo la gaaray.

Talaabadan Maraakiibta birahooda looga soo saarayo gunta hoose ee dekadda waxaa soo dhaweeyay Ganacsatada wax kala soo degta Dekadda oo dhibaato horey ugu qabay haraadiga maraakiibtan oo dhibaato ku hayay Maraakiibta ganacsi ee dekadda kusoo xirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -