Diyaarad ku dhacday Xaafad iyo Khasaaro badan oo ka dhashay (Daawo Sawirro)

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Milatariga dalka Pakistan ayaa bur burtay, waxaana diyaaradan la sheegay in ay ku dul dhacday xaafad dad shacab ah deegan yihiin oo kutaala duleedka magaalada Islamabaad .

Inta la xaqiijiyay shilkan diyaaradeed waxaa ku dhintay 17-qof halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo ka badan 10-qof, dadka ku dhaawacmay shilka ayaana qaarkood dhaawacyo culus soo gaareen.

Dadka ku dhintay shilkan diyaaradeed ayaa la sheegay in 5-kamid ah ay ahaayeen shaqaalaha diyaarada la socday halka 12-ka qof kale ay ahaayeen dad shacab ah oo degnaa xaafada ay diyaarada ku dul dhacday.

Dab xoogan oo ka dhashay diyaarada bur burtay ayaa sidoo kale waxyeelo xoogan gaarsiisay xaafada ay diyaarada ku dul dhacday oo kutaala magaalada lagu magacaabo Rawalpindi oo ku dhaw Caasimada Pakistan.

Magaalada uu ka dhacay shilkan diyaaradeed ayaa la sheegay in ay ku yaalaan saldhigyada ugu waa weyn ee leeyihiin ciidamada milatariga dalka Pakistan, walina lama shaacin waxa sababay shilkan khasaaraha geestay.

- Advertisement -