Amaro lagu soo rogay dadka kunool magaalada Dhuusamareeb (Akhriso)

Maamulka Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa soo saaray amaro lagu xaqiijinayo amaanka magaaladaasi oo la filayo in ay ka dhacaan shirar dib u heshiisiin iyo doorashada maamulka Galmudug.

Amaradan ayaana si gaar ah ugu socda dadka guryaha iyo baabuurta ku leh iyo sidoo kale ciidamada , waxaana amaradan ay yihiin kuwa maamulka Dhuusamareeb ku doonayaan in lagu xaqiijiyo amaanka magaaladaasi.

Halkan ka Akhriso Amarada lagu soo rogay dadka kunool Dhuuso Mareeb 

1: Qofkii  Iska iibinaya Garigiisa kuna Sugan gudaha Dhuusamareeb  waa in uu kusoo wargaliyaa Xafiisyada qaabilsan Diiwaangalinta Gaadiidka Ee Labada Xafiis.

2: Qofka leh Gaadiidka waa in uu Gaarigiisa ku xiraa Taargada Maamulka lamana ogolaan doono Gaari aan laheyn Taargo oo ah Aqoonsiga Uu Gaariga ku shaqeeyo.

3: Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyadad Guri ku yaalla Caasimadda Dhuusamareeb rabana Inuu ijaarto (Kireeysto) Waa Inuu lasoo xiriiro ama tago Talisyada Hay’adaha amniga si loola socdo dhaq dhaqaaqa cida dagaysa Guriga Sida’ Shirkad,Hay’ad, INGO,Mas’uuliyiin ama Shaqsi Iska Caadi ah.

4: Cidii kireeysa Guri aysan la socodsiin Hay’adaha Amniga, iyaga ayaa  mas’uul ka noqon doona wixii Gurigaas lagu Qabto Ama lagu arko,kuwaas oo la xiriira arrimo nabadgelyo darro.

5: Qofkii la qabto, Isaga oo hub ku dhex wata Magalada Dhuusamareeb sida’ qori_Bistoolad_Ama Bambo aan laheyn Sumad  loo raaco Isaga Iyo hubkiisaba waxaa la wareegi doona Hay’adaha Amniga Ee ku sugan Dhuusamareeb.

6: Gaadiidka ay ku dhegan yihiin Muraayadaha Madow (Bensalka) waxaa lagu wargalinayaa Inay Iska diiwaan geliyaan Talisyada Amniga si loo siiyo Aqoonsiga Beensalka ama u ogolaanaya in Gaadiidkooda ay ku dhejiyaan Muraayadaha Madow.

7: Gaarigii ku dhex socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacad socodka Gaariga Gudaha Magaalada waxaa loo arki doona Gaari ka qayb iaadanaya qalqal galinta Amniga.

8: Qof walba waxaa laga codsanayaa Inay si buuxda ula Shaqeyaan Hay’adaha Amniga si loo Ilaaliyo Badqabka Muwaadinka Naftiisa Iyo Maalkisa intaba.

9: Qofkii arka Gaari,Goob Ama Shaqsi uu ka shakiyo waa Inuu si deg deg ah ula Xariiro Hay’adaha Amniga si Loo baajiyo Qatar laga yaabo Inay Mahadho Reebto ama dhibaato culus u keento Bulshada Magalada Dhuusamareeb.

10: Askari kasta Ee ka tirsan Xero kamida qeybaha Ciidanka ee soo baxaya waa Inuu soo qaataa Aqonsigiisa Ciidanimo si aysan u dhicin is Maandhaaf iyo Isku Ekeyn Xiliyada Howlgaladu socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -