Guddi ku qanci waayay Jawaab Celinta Su’aalo adag ay weediyeen Wasiir Cawad

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay su’aalo kala duwan weediiyay Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad.

Su’aalaha Guddiga Arimaha Dibadda ee golaha shacabka weediiyeen ayaa waxaa kamid ahaa warbixintii dhawaan ay qoray Wargeyska New Yourk Times oo lagu sheegay in dowlada Qadar ku lug laheyd Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan Guddiga arimaha dibadda ee golaha shacabka ayaa sheegay in Wasiirka su’aalihii ay weediiyeen gaar ahaan Warbixinta New York Times uu ka bixin waayay jawaabo ay ku qanci karaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaanka in Wasiirka jawaabo lagu qanco uu ka bixin waayay heshiis uu dhawaan kusoo saxiixay dalka Marooko, waxa uuna xusay Xildhibaanka in Wasiirka uga yeeri doonaan Baarlamaanka si su’aalaha hortooda uga jawaabo.

Guddiga arimaha dibadda ee Golaha shacabka ayaa talaabadan ay qaadeen u muuqataa mid isla xisaabtan ah, waxaana horey guddiyada Baarlamaanka aan looga baran in ay la xisaabtamaan Wasiirada Xukuumada katirsan iyo laamaha amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -