Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo amar siiyay Saraakiisha iyo ciidamada amaanka (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir guddoomiyey shirka Amniga Puntland. Shirkan oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Waxaa kale oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey shirka Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, Taliyaha Ciidamada Asluubta, Taliyaha Ciidamada Birmadka, Taliyaha CID-da, Taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka Shirka Amniga Puntland ayaa daaranaa isxog-wareysi guud, dardargelin hawlgalada amniga lagu sugayo iyo u diyaar garawga Xuska Aasaaskii Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhegaystay Masuuliyiinta laamaha amniga warbixin la xiriirta Amniga iyo howlaha dardargelinta amniga ee ay hada-wadaan Ciidamadu, Waxaana ay sheegeen in xaaladda amni ee dhammaan degaanada Puntland ay wanaagsantahay.

Ugu danbeyn Madaxweyne Deni ayaa amray Saraakiisha Ciidamada, iyo Masuuliyiinta laamaha amniga ee heer dagmo iyo heer Gobol adkeynta Amniga Guud, iyo si gaar ah in la xoojiyo amniga maalmaha lagu jiro Todobaadka Puntland iyo dabaaldegyada 1-da August, ee dhammaan ka dhacaya Gobollada kala duwan ee Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyootay Magaalada Nairobi

Caydiid Ali

Qoorqoor oo xariga ka jaray xarun ay baahi weyn u qabeen shacabka Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---