Farmaajo oo ka hadlay sababta uu u joojiyey cambaareynta & tacsida qaraxyada

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa difaacay sababta uu u joojiyey cambaareynta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka iyo tacsida loo diro dadka waxyeeloodu soo gaarto.

Arintan ayaa timid ka dib markii siyaasiyiin mucaarad ah iyo shacabka qaarkood baraha bulshaha isku weydiinayeen maalmihii lasoo dhaafay sababta uu madaxweynaha u cambaareyn waayey tacsina ugu diri waayey dadkii dhimashada iyo dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxii ka dhacay xarunta Maamulka gobolka Banaadir, iyagoo arintaas ka bixinayey aragtiyo kala duwan.

Farmaajo oo ka hadlayey kulankii uu habeenkii Khamiista la yeeshay taliyeyaasha ciidamada iyo Gurmadka qaraxii ka dhacay Xarunta G/banaadir ayaa ku dooday in cambaareyn iyo tacsi la diro aysan waxba soo kordhineyn, iyadoo dalku dagaal kula jiro Al-shabaab, isaguna uu qaatay inuu iska dhaafo cambaareyn iyo tacsi oo sida uu yiri muujinaysa daciifnimo farxad gelineysa cadowga.

Qaar ka mid ah xubnihii kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si weyn uga welwelsanaa sida ay Al-shabaab ugu suuragashay inay dhex maraan ciidamada amniga oo qaraxyo ka fuliyaan gudaha xarunta Gobolka Banaadir.

Qorshe cusub oo uu amray in lagu dhaqaaqo ayaa ah dib u habeyn guud oo ku saabsan hay’adaha amniga, taasoo xukuumadda laga sugayo iney ku dhaqaaqdo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaraxii ugu horeeyay ee Muqdisho ka dhacay kadib markii uu xilka la wareegay ku dhaqaaqay inuu habeennimo isbitaalka ku booqdo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey, balse wuxuu muddooyinkii danbe qaatay go’aan ah inuu ka aamuso qaraxyada ka dhaca Muqdisho iyo gobollada dalka.

Dad badan ayaa faallooyin aan wanaagsneyn ka bixin jiray farriimaha tacsida ah ee madaxweynaha ka yimaada iyagoo ku eedeynaya waxqabad la’aan iyo tacsi joogto ah taasoo qeyb ka ah in talaabada uu Madaxweyne Farmaajo ku joojiyey cambaareynta qaraxyada iyo tacsida dadka ku dhinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -