Musharax Madaxweyne oo Balan qaad Cajiib ah u sameeyay Lamaanayaasha is guursanaya

Siyaasi caan ka ah dalka Kenya iskuna soo taagay xilka Madaxweynaha dalkaasi ayaa balan qaadyo cajiib ah si weyna usoo jiitay dadweynaha u sameeyay lamaanayaasha cusub ee is guursanaya hadii xilka Madaxweynaha loo doorto.

Alfred Mutua, oo ah Barasaabka Ismaamulka Machakos ee dalka Kenya hada isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha ayaa sheegay in lacago badan oo deyn ah siin doono lamaanayaasha doonaya in ay is guursadaan.

Waxa uu balan qaaday musharaxan hadii xilka Madaxweynaha loo doorto in lacag gaareysa  $4,400 oo deyn ah siin doono lamaanayaasha is guursanaya, waxa uuna sheegay in lacagtan wax badan u tari doonto mustaqablka lamaanayaal badan.

Barasaabka Machakos ahna Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in deynta la siinayo lamaanayaasha is guursanaya lagu bixin karo muddo 20 sano gudahood ah ayna caawin doonto qoysaska cusub oo raba “in ay noloshooda ku bilaabaan si sharaf leh.

Musharaxan ayaa sidoo kale sameeyay balan qaadyo badan uu fulin doono hadii loo doorto xilka Madaxweynaha, waxaana balan qaadka uu sameeyay musharaxan si weyn ula dhacay shacabka dalka Kenya gaar ahaan dhalinyarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -