Hal Arin Hadii Soomaaliya laga helo waxaa suurto gal ah in la helo amni  

Tiro male qaraxyadu, dhimashada iyo dhaawacana ka daran. Marka ay mashaqada dhacdo mid kasta wuxuu lasoo boodaa dhaleeceyn iyo dhoocaar ku socota, dowladda iyo madaxdeeda. Waxaa la is weydiiyaa su’aalo badan oo ka mid aha “ sidee qaraxu ku dhacay?, side kusoo gudbay?, maxaa loo baari waayay, maxaa kusoo beegay iyo kuwo lamida! Maxaa libaax loo jeedo raadkiisa loo raadinayaa?!!

Ninna kuma dhiirado inuu dhaleeceeyo cidda sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Qofna ma darso waxa daa’imiyay qaraxyada. Midna isma weydiiyo maxaa mashaqadan loo maareyn la’yahay, qof saadaaliya majiro halka ay sartu ka qurunsantahay!

Soomalidu waxay ku maahmaahdaa “Qur’aanka alifka ka halaaba Albaqra kuma tooso”. Qaraxyada waxba lagama qaban karo iyadoon la is weydiin sidee qarax looga hortagi karaa. Marka ay timaado warcelinta SIDEE ayey imaan kartaa xalka SIDAAN.

Sideedaba in amni la sugo waxaa ka horeysa in caddaalad la helo, taasna sir ma ahoo, reer galbeedka marka iyaga dhexdooda ay cadaalada isku sameeyeen ayaa Ilaahey amni siiyay.

Ma ahan wax caad saaran in Soomaliya guud ahaan aysan caddaalad ka jirin. Qolo kasta howsheeda uu qabiil ku dhisanyahay. Majo ilaa madax, Madaxweyne ilaa iyo agaasime waxey xil ku hayaan qaab qabiil. Meel kaleba yaanan ka doonine, Maxkamaddi caddaalada la sugayay waxay ku dhisantahay qabiil 4.5.

Marka ay sheekadu halkaas mareyso, qof weliba kursigiisa wuxuu ku matalaa beesha uu kasoo jeedo. Haddii isaga tagana mid  xigtadiisa ah baa xilka la wareega. Bal adiga is weydii, ninka qaab ceynkaas ah madax kugu ah, wasiir kugu matala, wax kugu agaasima, taliye ciidan kugu ah, askarina kugu aha, CADDAALAD intee la eg ayuu u sameyn karaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee la yiri wuu matalaa?! Bal adba!

Soomaliya si ay dhibka uga baxdo waxay u baahantahay CADDAALAD. Caddaaladu waxay howlkasta iyo shaqsi kasta u jiheysaa halkii loogu talagalay. Taasna iskama lihihiye, Eebbihii na abuur ayaa na faray inaan noqona kuwo caddaalada u taagan kana hormarino wax kasta xittaa nafteena, waalidkeen, qaraabadeen IWM. Surat Al-Nisa 135.

Marka ay caddaalad jirto, waxaa madax noqonaya nin aan qabiil lagu soo dooran. Waxaa xil qabanaya, shaqsi, aqoon ama khibrad lagu soo xulay. Waxaa ciidan noqonaya kuwo caddaalad lagu soo xulay.

Dowlada hadda jirta iyo kuwii ka horeeyay, majirto mid isku dayday dhisidda maxkamada sare ee caddaalada iyo dastuurka, taasoo ka madax banaan dhamaan hoggaanka dalka. Oo maxaa loo dhisi waayay miyaad aqrist i weydiin? Iga hoo jawaabta ”Waxaa caddaalad u istaaga nin isaga caddalad lagu soo doortay. DHAN.

Ma ahan wax la beenin karo in dad badan ay caddaalad u doontaan Alshabaab, xilli ay dalka ka jiraan maxkamada loo igmaday howlahaas. Waxay taasi ku tusineysaa muhiimadda caddaaladu leedahay iyo dadka inay u raadsanayaan cidkasta ay ka helayaan.

Ha sugin amni iyo barwaaqo inta howl kasta lagu saleenayo qabiil bedelkii caddaalad ama yaa u qalma.

Shacabka soomaliyeed waxaa la gudboon inay runta usoo jeestaan, riyadana ka baxaan, cilladana meel looga soo wada jeesto, inta ka horeysa geeridii galbeed ka dhacdaa gondahaaga ka filo. Wa billaahi towfiiq

W/Q  Abdinasir Safaana
Email:Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -