Ciidamo cusub oo soo gaaray magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo cusub oo ka socda dalka Uganda, waxaana ciidamadan qeyb ka yihiin ciidamada Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho u jooga ilaalinta xarumaha UN-ka.

Ciidamadan waxaa munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay xarunta Xalane , waxaana munaasabada kasoo qeyb galayĀ Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia James Swan,taliyaha Ciidamada lugta Uganda iyo madax kale.

Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 625 askari ayaa ilaalin doona xarumaha Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Muqdisho, waxaana ciidamadan yihiin kuwa si gaar ah loo tababaray.

Dalka Uganda ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo kala duwan oo isugu jira milatari , Booliis iyo sidoo kale ciidamada ku howlagal magaca Qaramada Midoobay, waxaana Uganda dhaqaalo badan kasoo galaa ciidamada ka jooga Soomaaliya.

 

- Advertisement -