Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu qarxiyey Muqdisho

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM ayaa galabta casar gaabadkii qarax lagula eegtay agagaarka Isgoyska SOS oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la geliyey ayaa la sheegay inuu dhacay xili ciidamada AMISOM ay marayeen inta u dhexeysa isgoyska SOS iyo xaafada Suuqa xoolaha oo aan wax badan kala fogeyn.

Goob-joogayaal ayaa ku waramaya in qaraxa ka dib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xooggan oo muddo kooban socotay, taasoo sababtay in laga kala cararo wadada SOS.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo rasaasta ka dambeysay ee ay fureen ciidamada AMISOM.

Xaalada ayaa degan hadda, waxaana dib u furantay wadada SOS oo muddo u xirneyd qaraxa iyo tacshiirada ka dhacday oo illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada AMISOM ayaa mararka qaarkood weeraro u badan qaraxyo miino lagula eegtaa wadada isku xirta Ex-kontrol Balcad, SOS illaa suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay fashilka ku yimid Shirkii Afisiyooni (Akhriso)

Caydiid Ali

Xukun adag oo lagu riday Ninkii isku qarxin rabay Xafladdii Ahlu Suna (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---