Villa Somalia oo markii ugu horeysay si kulul uga hadashay Weerarkii xarunta dowlada hoose

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa saxaafada kula hadlay goobtii lagu aasay Guddoomiyeyaashi & Shaqaalihi Gobolka Banaadir ee ku geeriyooday Qaraxii shalay ka dhacay xarunta dowlada hoose ee Muqdisho.

Qaraxan oo sida la hadal hayo ay fulisay haweeney ku sugneyd hoolka shirarka dowlada hoose ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo dibeda loo qaaday dibeda si loo soo daweeyo.

“Weerarkan ma aha mid lagu soo qaaday xafiis dowladeed ee waa mid lagu qaaday in la baabi’iyo sharafka & jiritaanka Ummada Soomaaliyeed taasna waa inay nagu kaliftaa in maanta oo kale aan meel iska dhigno kala aragti duwanaanta oo aan muujino midnimo & isku duubni hal meelna aan uga soo wada jeesano argagixisada hadaf koodu yahay in si aan kala sooc lahayn oo wuxuushnimo ah ummada u laayaan caadeystayna inay bartilmaameed sadaan shaqsiyaad ka bulshada indhaha u ah” ayuu yiri agaasimaha

Waxa uu saxaafada ugu baaqay inaysan buunbuunin falalka argagixiso oo aysan argagixisada fursad u siinin inay falal kale oo wuxuushnimo ah ku dhiiradaan; doorka saxaafada kaga aadanna uu yahay inay ka dhiidhiyaan.

“Waxaa uu ahaa falkan mid waxashnimo ah oo argagaxisadu dooneysay iney indhaha uga tuurto shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasimaha ayaa shacabka reer Muqdisho ku ammaanay wada shaqeynta wanaagsan ee ay la sameeyeen Ciidamada Ammaanka waxa uuna ugu baaqay inay sii laba jibaaraan la shaqeynta Ciidanka Aminiga.

Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska & qaraabada dadki ku geeriyooday qaraxi shalay galab ka dhacay xarunta dowlada hoose,  Agaasime Cabdinuur waxa uu intaas ku daray in dowlada ay ku howlan tahay sidi ay dhaqaatiir & dabiib fiican ugu heli lahayd dadka ay dhaawacyada soo gaareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -