Al-Shabaab oo shaacisay nooca iyo sida loo fuliyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir

Iyadoo saacadihii ugu dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegaya in qaraxii shalay ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka banaadir lagu tuhunsan yahay inuu ahaa ismiidaamin oo ay fulisay haweeney ayaa war cusub oo ay soo saartay Al-shabaab waxaa ay ku sheegtay in qaraxaasi aanu ahayn ismiidaamin.

Warbaahinta taageerta Alshabaab oo soo xigatay saraakiil ka tirsan Xarakada ayaa baahisay in qaraxu ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Hoolka shirarka uu ahaa waxayaabo qarxa oo lagu sii diyaariyey goobtaasi, balse aanay aanu fulinin qof ismiidaamiye ah, waxayna intaas ku dareen in waxyaabahaasi la diyaariyey ay qarxi waayeen xilligii loogu talogalay oo ahayd intii uu xarunta ku sugnaa wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan, balse ay qarxeen saacado kadib.

Qalabka qarxa ee lagu diyaariyey xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayay sheegeen ilaha warkan laga soo xigtay ee Alshabaab inay cilad ku timid waqtigii lagu xiray inuu qarxo, balse markii dambe uu ku qarxay madaxda iyo Saraakiisha maamulka gobolka Banaadir oo halkaas ku shir uga socday markii uu baxay wakiilka QM.

Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in Al-shabaab ay isku dayayaan iney marin habaabiyaan baaritaanka ay wadaan laamaha amaanka,laguna kalsoonaan karin waxyaabaha ay faafinayaan.

“Illaa hadda meesha kama saari karno in haweeney ay fulisay qaraxan, Al-shabaab waxay qaraxyo horey u adeegsadeen haween, sidaasoo ay tahayna weligood ma sheegin iney haween isqarxiya adeegsadeen” ayuu yiri sarkaal ka tirsan laamaha amaanka dowlada oo  magaciisa ka gaabsaday.

Arrintan ayaa muujineysaa jahwareerka ka taagan qaraxaasi, waxayna sii murjineysaa baaritaanka ay wadaan saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku howlan qaraxan oo weli aan xaqiiqo cad u helin sida loo fuliyey iyo sirta ka gedaaman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -