Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ajaaniib katirsaneyd Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay lana soo bandhigay (Daawo Sawirada)

Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay sadex nin oo ajnabi ah oo ay sheegeen in ay katirsanaayeen dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana ragan lagu qabtay howlgal ciidamada ka sameeyeen degmada Afmadoow.

War kasoo baxay Hay’adaha amaanka maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay sadex nin oo u dhashay dalka Tanzaaniya oo la sheegay in ay katirsanaayeen dagaalyahanada ajaaniibta ee Al Shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaana faah faahino badan kasii bixin ragan ajaaniibta ah ay soo bandhigeen, waxa ayna sheegeen saraakiisha laamaha amaanka in  ay socdaan baaritaano lagu sameenayo ajaaniibtan lasoo qabtay.

Al Shabaab ayaa waxaa la sheegaa in ay ka bar bar dagaalamaan ajaaniib wadamo kala duwan kasoo jeeda, waxaana inta badan ajaaniibtan ka qeyb galaan dagaalada iyo howlgalada ay Al Shabaab ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ireland: “Lama aqbali karo awooda ciidan ee DF u adeegsatay dibed-baxayaasha”

Caydiid Ali

Sidee loo soo dhaweeyay ergo uu horkacayo Ugaaska Murusade oo Dhuusamareeb gaaray

admin

Aadan Madoobe oo u dhoofay dal carbeed & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---