Gudoomiye Tuulax oo sheegay in Haweeneydii isku qarxisay xarunta Gobolka loo fududeeyay

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed C/laahi Tuulax ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxii shalay ka dhacay xarunta dowlada Hoose iyo khasaaraha ka dhashay.

Tuulax ayaa sheegay in ay tuhmayaan in qaraxaasi ay fulisay qof haweeney ah oo waxyaabaha qarxa isku soo xirtay, waxa uuna cadeeyay in ay hada socdaan baaritaano lagu ogaanayo sida uu qaraxa u dhacay iyo waliba cida fulisay.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Kuxigeenka Amniga in aysan wax sahlan aheyn in qof socda uu gudaha u galo xarunta gobolka oo ilaalo badan joogaan iskuna dhax qarxiyo hoolkii maamulka shirku ku lahaa.

Tuulax ayaa sheegay in ay iska cadahay in qofka qaraxa fuliyay loo fududeeyay ayna kala shaqeeyeen dad gudaha xarunta ku sugnaa, waxa uuna xusay in wax walbo la ogaan doono marka ay baaritaanada soo dhameeyay.

Gudoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in la baarayo kaamirooyinka ku xiran xarunta gobolka lagana ogaan doono sida ay wax u dhaceen, isagoona ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo cida ay tuhmayaan in qaraxa fududeesay.

”Shabaab hubeesan xarunta ma galin , xarunta waxaa jooga ilaalo badan marka waxaan tuhmeynaa in qofka qaraxa geestay oo haweeney loo maleenayo lagala shaqeeyay loona fududeeyay, baaritaano ayaa socda wax walbana laga ogaan doonaa” ayuu yiri Tuulax.

Dadka amniga ku xeel dheer ayaa aaminsan qofka qaraxa fuliyay laga caawiyay fulinta howshaasi, waxaana la tuhmayaa in suurto gal tahay in qofka qaraxa fuliyay mudo xarunta ku sugnaa ama kamid ahaa shaqaalaha maamulka ama qof u dhaw.

Qaraxa masuuliyadiisa waxaa durba sheegatay kooxda Al Shabaab, waxaana qaraxa ku dhintay Sadex Gudoomiye degmo, sadex agaasime iyo la taliye sare, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Duqa Muqdisho iyo xubno kale oo maamulka katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -