Qatar Oo Iibsatay 25% Saamiga Shirkado Shidaal Ka baaraya Xeebaha Kenya gaar ahaan …

Dowlada Qadar ayaa saami badan ka iibsatay labo shirkad oo sahmin shidaal kawada xeebaha dalka Kenya, waxa ayna Qadar dooneysaa in kaalin muuqato ka ciyaarto howlaha sahminta shidaalka ee Kenya.

Shirkada Qatar Petroleum oo dowlada maamusho ayaa shaacisay in heshiis la gashay shirkadaha ENI iyo Total, si ay saammi 25% ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Xeebaha dalka Kenya.

Qatar Petroleum ayaa xaqiijisay in ay iibsatay saami 13. 75 oo ay ka iibsatay shirkada ENI halka saami 11.25 ah iyana ka iibsatay shirkada Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin oo kala ah L11A, L11B iyo L12.

Heshiiskna waxaa dowlada Qadar u saxiixay wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta ee Qatar ahna madaxweynaha shirkadda Qatar Petroleum, waxa uuna sheegay Wasiirka in ay ku faraxsan yihiin saamigan ay ka iibsadeen shirkadaha Total iyo ENI.

Boloogyadan Qadar saamiga ka iibsadatay oo kala ah L11A, L11B iyo L12 ayaa ku yaalo sida la sheegay Lamu oo ah bariga Kenya, waxaa ay ku fadhisaa 15,000 square KM, xagga moolka waa 1,000-3,000 oo Mitiri.

Dowlada Qadar oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la tuhmayaa in ay kamid tahay dowladaha ku cadaadinaya Xukuumada Soomaaliya in wadahadal kala gasho Kenya Muranka dhinaca badda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -