Lixdan Sano ka dib: Goormaan aragnay gobannimo lagu liibaannay, kuna ladnaanay?

Nolosha cakiskeedu ma ahan dhimashada ee waa silic ku noolaashaha oo ah gunimo. Xoriyada madaxbanaanida ma ahan gunimo ku noolaasho iyo xuquuqda lahaanshaheedu inuu ku koobnaado qoysaska madaxda jacaylka ay u qabaan damaashaadka awooda xukunkooda. Xoriyada Soomaalinimadu waxey noqotay silic ku noolaasho gunimadeeda loogu dabaal degayo, taasna ay sabab u noqon doonto kala tageeda, iyadoo qeybaheeda kala duwan ay mid walba raadineyso sidii ay uga bixi lahayd noloshaas gunimada leh.

Muqdisho waa Shini markii la rabo la dilo haddana manfaceeda malabka ah laga qaato oo aan magac iyo maamuus midna ku lahayn dulsaar ku noolkeeda, iyada iney tagto sinaba looguma ogola oo markasta madax salaax ayaa lagu soo caro celiyaa. Garowe waa tixsi carqalad ku noola oo sidaas ku doonaya in sideey rabto loo yeelo oo ah madaxtinimo iyo boqortooyo aan dhicin mooyaane aysan ku qanceyn wax ka hooseysa, kaba sii darane aan sina ku dooneyn awooda xukunka iney cidna la wadaagaan oo xeerinteeda iyada keliya ay ku koobnaato oo haddii ay sidaas weysana dalban iney tagto.

Hargeysa waa Shillin deris ku nool ah oo u nool iney jaqdo dhiiga dadka ay la nooshahay, sidaasna ku doonaysa in loo yeelo iney keligeed saamiga ugu weyn ka liqdo hantida lagu shirkoobey oo haddii sidaas la waayana ay dibed joog bahalnimo ka noqoneyso xoriyada ah silic wadaaga, mana doonayaan iney wax gorgortan ah ka galaan iney si siman Soomaalida kale wax ula qeybsadaan. Galmudug waa dabagaale ismoodey aar oo xoog iyo xaniinyahiisa waaweyn ku raba in cududa milateriga aan ciduna la wadaagin oo haddii sidaas la waayana u diyaara gadood jabhadnimo iyo dowlad jabin.

Maamulada kale waa doorshaan doonaya danahooda iney ka dhex helaan xumaanta ay ku dhex jiraan oo ah ama iney liibaan ku gaaraan u adeegsigooda sida liidata xumaanta loogu adeegsanayo ama shisheeye u noqdaan qashin walwaal oo haddii ay waayaan ku dhexjirka adeegyada qurunka ah door bidaya iney dalka geliyaan xaalad barakaca iyo abaaro kalifta faragelin shisheeye oo ay keligood ku doonayaan macaawinada ineysan cid kale la wadaagin.

Waxaa yaab leh dabaaldega ay ku kulmi karaan midowga walaalaha Shini, Tixsi, Shillin, Dabagaale, iyo doorshaan oo doonaya xoriyad nololeed oo mid walba qancisa heerka hankiisa uu ku doonayo nolol gobonimo oo ka turjumeysa sida ay ula muuqato ka guul gaaristeeda.

Ha socdaan heesuhu iyo dhawaqa durbaanku
Ha socdaan dheeshu iyo dhagarta dhurwaagu
Ha socdaan luxista calalada iyo ciyaaraha caqli gaabka.
Ha socdaan hambalyada iyo is’hoosaasinta ishuwan
Ha socdaan damaashaadku iyo farxada aan ka muuqan
Ha socoto amaanta anaa gatay, calafkeedna cidu ila wadaagi meyso
Ha socoto macno la’aanta loogu dabaaldegayo silica gunimada
Ha socoto sayidnimo taladiisa laga suuley oo si dadban lagu socodsiinayo
Ha socoto jamaamuur jidbeysan oo sida jibin jug iyo jac jaale jir oo joog ku jiibinaaya

Waa waxaan socon doonin damdam iyo dabaaldeg in masiirka ummadda lagu indho sarcaadiyo
Waa waxaan socon doonin kelitalisnimo lagu taamo oo talada dalka cidlo cadowga loogula cararo.
Waa waxaan socon doonin isnugleyn hoosta ka wadat diidmo in xaaran loogu haysto hogaanka dalka
Waa waxaan socon doonin anaa keligey gatay madaxtinimada dalka oo haddana sidaan doono u gedisanaaya madaxbanaanidiisa.
Waa waxaan soconeyn waxaan nahay walaalo midnimo doona oo haddana ujeedada midowgoodu kala maan duwan yahay.
Xoriyadu astaanteedu ma qooro weynbaa mise waa calool weyn haqab tirkooda?
Xoriyada astaanteedu ma dhiig cabisbaa mise waa qurun ku noolaasho?
Xoriyada astaanteedu ma xumaan iyo carqalad lagu hagayo diidmo in wax lagu doonaa?Xoriyada astaanteedu ma hanjabaad falaaganimo iyo goosasho doonisteedaa?
Xoriyada astaanteedu ma baaqyo beena oo barwaaqo loogu hami gelinayo bulsho ay burburtay horumarinteeda?

Waxaa qoray: Saciid Ciise Maxamuud
Maine, USA

Fiiro gaar ah:Qoraalkan kama turjumayo aragtida allbanaadir online, waa fekerka qoraaga ku saxiixan

- Advertisement -