Ciidamo ka tirsan Booliska Somalia oo tababar loogu soo xiray Jabuuti (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo safar shaqo ku jooga Dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Booliska Soomaalida.

Tababarkan oo soconayay muddo saddex bilood ah ayay Ciidanku ku qaadanayeen dugsiga tababarka Booliska dalka Jabuuti ee Idiris Faarax Habane, iyagoo baranayay casharro ay ka mid ahaayeen, sugidda amniga, baarista fal dembiyeedyada iyo ka hortagga rabshadaha.

Xafladdii lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Jabuuti ,Wasiiru Dowladaha Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada difaaca ee Dalka Jabuuti Gen. Sakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti , Col. Cabdillahi Cabdi Faarax, iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ,ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col. Cabdillaahi Cabdi Farax , Taliyaha Ciidamada Difaaca Jabuuti iyo madaxda Dalkaasi isagoo ugu mahad celiyay doorka Walaaltinimada leh ee ay ka qaateen soo celinta tayada Ciidanka Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale amaan u jeediyey Taliyuhu , Ciidamada Booliska Somaliyeed ee tababarka ku qaatay Jabuuti oo uu kula dardaarmay inay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda Qaran ee ka saaran dalkooda iyo dadkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -