Gudoomiyihii Guddiga dhismaha wadada Boosaaso oo caawa xabsiga la dhigay

Guddoomiyihii Guddiga Hagaajinta Wadada Bartamaha Boosaso Shiikh Maxamed Macalin ayaa caawa Ciidamada Amaanku ku xireen magaalada Boosaso.

Shiikha laxiray ayaa ku biiraya xubno katirsanaa guddiga oo gaaraya saddex oo loo xiray lacag ay Dawladda Federaalka Soomaaliya u soodirtay , kuwaasoo ku xiran Magaalada Boosaaso.

Shiikh Maxamed Macalin ayaa la sheegay inuu safar kaga maqnaa magaalada Boosaaso xiliga la xirayey saaxiibadiis balse maanta ayuu halkaas ku laabtay, waxaana ka dib caawa xiray ciidamada amaanka.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka dalbaday Maamulka Puntland inuu sii daayo xubnaha xiran hase ahaatee dalabkaas waa lagu gacan seyray.

Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu Maxkamad soo taagayo xubnahan ka dib markii ay diideen iney celiyaan ama maamulka Puntland ku wareejiyaan lacag kaga timid dowlada Somalia oo loogu talo galay dhismaha wadada Boosaaso.

Masuuliyiinta Puntland ayaa ka careysan in lacagtaas si toos ah loogu diro guddiga, iyagoo doonayey in wixii deeqo ah ee loogu talo galay Puntland maamulka la soo mariyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -