Wadooyin soo gala magaalada Muqdisho oo dhagxaan shub ah lagu xiray

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa dhagxaan shub ah ku xiray wadooyin soo gala magaalada Muqdisho , waxaana talaabadan laamaha amaanka uga gon leeyihiin in ay uga hortagaan qaraxyada.

Dhagxaan waa weyn ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu xiray wadooyinka dhax mara xaafada Galmudug ee ku dhegan Xerada Asluubta, waxaa sidoo kale dhagxaan lagu xiray laamiga Ex-Control Afgooye.

Dadka degan xaafadaha dhagxaanta lagu xiray ayaa Warbaahinta u sheegay in maalmahan socdeen talaabooyin ay Hay’adaha amaanka ku xirayaan qaar kamid ah wadooyinka xaafadahaasi oo dhagxaan adag lagu jarayay.

Wadooyinkan cusub ee la xiray ayaa saameyn ku yeelanaya dadka aagaasi degan, dowlada Soomaaliya ayaana horey u xirtay wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan wadooyinka jidcadayaasha ee laamiyada gala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -