Allbanaadir.com
NEWS

Iska horimaad dhax maray Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ku sugan Xuduuda

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay iska horimaad kooban uu xuduudka Balad Xaawo iyo Mandheera ku dhax maray ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqlayeen rasaas mudo kooban is dhaafsanayeen ciidamada dowlada Soomaaliya geesatay Xuduuda Balad Xaawo iyo ciidamada Kenya ee ku sugan dhinaca xadka Mandheera.

Lama oga wali khasaaraha ka dhashay rasaastan ay is dhaafsadeen labada ciidan, lamana oga wali waxa sababay iska hor imaadkan xalay dhax maray labada ciidan ee ku sugan xaduuda labada dal wadaagaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaana wali ka hadlin iska horimaadkan cusub ee ka dhacay xuduuda, xaalada aaga iska horimaadka xalay ka dhacay ayaana saakay lagu soo waramayaa in ay degan tahay.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada Soomaaliya dagaal kooban ku dhax maray xuduuda Mandheera iyo Balad Xaawo wadaagaan, waxa uuna isku dhacan cusub imaanayaa xili dowlada Xadka geesay ciidamo cusub oo Muqdisho laga qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Puntland oo soo saaray amar ku socda Shaqaalaha ajaaniibta ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Qoyska George Flyod oo magdhaw loo siinayo lacag gaareysa 27 Million oo doolar

Cabdi Cade

Milatariga Turkiga oo Weerar aargoosi ah fuliyay kaddib weerarkii Ankara

Cabdi Cade
Taboola Ads ---