Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Caawa la kulmay Ehelada R/Wasaarihii hore ee Somalia (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ee ka soo qeyb galay Aaskii-qaran ee loogu sameeyey Muqdisho.
 
Madaxweynaha ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka.
 
“Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleyr ma ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.”
 
Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Ra’iisul Wasaarihii Hore Marxuum Cali Khaliif Galeyr.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo soo bandhigtay meydadka askar ay dagaal ku dileen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaale oo shan qodob kala hadlay danjire Wang Yu (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliska Booliska oo War cusub ka soo saaray gabar la sheegay iney isku dishay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---