Amiir katirasanaa kooxda Daacish oo lagu Celiyay dalka Mareykanka

Dalka Mareykanka ayaa dib loogu celiyay nin heesta dhalashada dalkaasi oo lagu qabtay gudaha dalka Siiriya, waxaana durba ninkan lasoo taagay Maxkamad si loogu qaado dacwado loo heesto.

Ruslan Maratovich Asainov oo ah 42 jir ah oo ka soo jeeda magaalada Brooklyn ee New York ayaa shalay oo jimco ah lasoo taagay Maxkamad , waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu kamid ahaa dagaalyahanada kooxda Daacish.

Maxkamadda, ayaa sheegtay Asainov oo asal ahaan kasoo jeeda dalka  Kazakhstan, uu u safray dalka Siiriya  dhammaadkii 2013, halkaas oo uu ka bilaabay inuu u dagaalamo kooxda Daacish, isagoo ay howshiisu ahayd inuu meel fog oo qarsoon wax ka soo shiisho.

Nikan ayaa sidoo kale kamid noqday Amiirada kooxda Daacish, waxaana Madax looga dhigay dhismaha xeryo lagu tabataro ragga cusub ee ay kooxdu qoroto ee misna bara sida loo adeegsado hubka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -