Senatarada dhegeysanaya dacwada xil ka qaadista Trump oo arrimo yaab leh ku kacay

Xildhibaannada aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inay iska hurdayaan, iska ciyaarayaan, shuruuc kalena jabinayaan xilli uu socdo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump.

Jim Risch iyo Jim Inhofe ayaa ka mid ah xubnaha la arkayay inay ku lulmoonayeen dhageysiga dacwadan xasaasiga ah ee isha lagu wada hayo.

Qaar kale oo ka mid ah xildhibaannada ayaa iyagana lagu eedeeyay inay soo qaateen noocyo qalabka lagu ciyaaro ah oo kala duwan, halka ugu yaraan hal mudane uu xaanshi ka sameynayay wax diyaarad u eg.

Dacwadda ka socota aqalka sare ee odayaasha Mareykanka ayaa ku saabsan eedeymaha Trump loogu jeediyay inuu ku tagri falay awoodda, uuna wax u dhimay dimuqraaddiyadda Mareykanka.

Mudaneyaasha ayaa u fadhiya sidii go’aanka kama dambeysta ah looga gaari lahaa in madaxweynaha xafiiska laga eryo iyo in kale.

Aqalka wakiillada ee Congress-ka ayaa horay kalsoonida ugala noqday Trump, wuxuuna dhankiisa ka go’aamiyay in xilka laga qaado.

Hadda waxaa ansixinta laga sugayaa Senate-ka, laakiin warbaahinta ayaa isbuucan xildhibaannada xisbiga Jamhuuriga qaarkood iyo kuwo ka tirsan dimuqraaddiga ku eedeysay inay u dhaqmayaan sidii carruur iskuulley ah oo caajistay.

Sharciga wuxuu dhigayaa in mudaneyaasha aqalka Senate-ka ay fadhiyaan inta ay socoto dacwadda mooshinka xil ka qaadista ah.

Laakiin ugu yaraan 9 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga iyo 22 jamhuuri ah ayaa Khamiistii ka kacay kuraastooda kala duwan, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -