Duqa Muqdisho oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Gudoomiyaha Dayniile (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta xarunta degmada Dayniile lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu taageerayay laguna soo dhaweenayay horumarka Muuqda uu degmadaasi gaarsiiyay Gudoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali Jacfar.

Munaasabada waxaa soo agaasimay Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi oo kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana munaasabada aheyd mid lagu bogaadinayay maamulka degmada sidoo kale Shahaado Sharaf lagu siinayay Gudoomiye Jacfar.

Waxaa kasoo qeyb galay munaasabada ka dhacday degmada Dayniile Duqa Muqdisho Cabdi Raxmaan  Yariisow ,ku xigeenkiisa Maamulka iyo Maaliyadda, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Waxgarad , Haween iyo qeybo badan oo bulshada kamid ah.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo munaasabada soo agaasimay ayaa u mahad celiyay maamulka degmada Dayniile. waxa uuna sheegay Ugaaska in dadka waxtarka u leh bulshada waxa wanaagsana qabtay ay muhiim tahay in la abaal mariyo lana bogaadiyo inta ay nool yihiin.

Waxa uu cadeeyay Ugaaska in Gudoomiyaha Dayniile Jacfar uu waxqabad muuqda la yimid intii uu degmada Joogay, waxa uuna xusay in bulshada Dayniile ay raali ka yihiin kuna qanacsan yihiin waxqabadka uu la yimid lana garab istaagi doonaan.

Duqa Muqdisho Eng Cabdi Raxmaan Yariisow oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Gudoomiyaha Dayniile iyo kuxigeenadiisa shaqo fiican qabteen, waxa uuna tilmaamay in Jacfar wax badan ka badelay degmada Dayniile shaqo badan oo loo riyaaqayna qabtay.

Duqa Muqdisho oo munaasabada abaal marin ku gudoonsiiyay Gudoomiyaha Degmada  ayaa cadeeyay in la abaal marin doono cid kasta oo wax qabad muuqda la timaada, waxa uuna Bulshada Dayniile ku amaanay sida ay maamulkooda u garab taagan yihiin.

Dhamaan dadkii kala duwanaa ee kasoo qeyb galay munaasabada Shahaadaha lagu gudoonsiinayay Gudoomiyaha degmada Dayniile ayaa qiray dadaalka iyo guusha uu Jacfar gaarsiiyay Degmada Dayniile oo isbadal badan laga dareemay inta uu joogo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -