Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socday Boqortooyada Sacuudiga

Wafdi uu horkacayey Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Ahmed Abdul Aziz Kattan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatay Madaxda dowladda Federaalka.

Sida wararku sheegayaan booqashada Wasiiru dowlaha ku yimid Muqdisho ayaa qeyb ka aheyd safaro uu ku marayo dalal ka tirsan Afrika.

Wafdiga ka socda dowlada Sacuudiga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Garoonka dayuuradaha Aadan cadde, xili Madaxweynaha uu ku sii jeeday degaano ka tirsan Sh/hoose.

Sacuudiga ayaa bisha Ramadaan qabanaya shirweyne u dhaxeeya Afrika iyo Sacuudiga, kaasoo looga hadlayo iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dhinac.

Madaxtooyada Somalia ayaa faahfaahin ka bixin booqashada wafdigan sacuudiga, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo iyo saraakiil la socotay ayaa qaabilaada wafdigan ka dib dayuurad Helicooter ah ka raacay garoonka Aadan cadde, iyagoo kormeer ku tegay degaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Sh/hoose oo dhowaan ciidamada Xoogga dalka ay ka saareen Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -