Qaramada Midoobay oo soo dhaweesay Go’aan uu gaaray Madaxweynaha Puntland

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu soo dhaweeyay Go’aankii uu dhawaan shaaciyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ee ku aadanaa in booqasho ku tagayo magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaana bogaadisay safarka magaalada Muqdisho ku tagayo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni , waxaana qoraalka Qaramada Midoobay lagu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Deni Booqasho ku yimaado Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska UNSOM ayaa sidoo kale  lagu sheegay inay sugayaan kulanka la filayo in uu dhax maro Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxaweynaha Puntland,  si loo sii hormariyo wada hadalada danaha guud.

Madaxweynaha Puntland oo khilaaf xoogan kala dhaxeeyo dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in uu tagayo Muqdisho iyo magaalooyin kale si uu ugu gogol xaaro shir la filayo in ay yeeshaan Madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.

 

- Advertisement -