Madaxweyne Deni oo u digay dad uu sheegay iney kicinayaan dhalinyarada Puntland

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa digniin adag u diray dad uu sheegay inay kicinayaan dhalinyarada Puntland si ay isaga horkeenaan shacabka iyo maamulka.

Hadalkan ayuu sheegay maanta mar ka hadlayey munaasabad lagu daah-furay duullimaadyada Ethiopian Airlines ay ka bilowday magaalada Garowe.

Deni ayaa tilmaamay inay jiraan dad doonaya in ay wiiqaan jiritaanka Puntland, iyagoo u soo maraya kicinta dhalinyarada, isagoo ka digay in dhalinyarada loo adeegsado burburinta Puntland.

“Puntland hogaanka ayey uga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxaan ka digayaa dadka daneynaya in ay bulshada hogaankeeda wiiqaan oo dhallinyarada ku kiciyaan, waxaan qirayaa in ninkii sameeyey Heesta ‘Ku dayo Puntland’ uu wax wanaagsan sameeyey, waxaan leeyahay nagu dayda, maaha in dadka la hareer maro oo wax aan jirin loo akhriyo, hayaankeennu waa in uu qeexan yahay, waxaan caddeynayaa in reer Puntland aysan cidna ka ogolaaneyn in ay nidaamkeeda burburiso”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Dani uu sheegay in fara galin lagu hayo maamulkiisa, waxuuna hadalkiisu kusoo aadayaa xili ay dhowaan Puntland ku eedeysay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqanayey Waqooyiga magaalada Gaalkacyo inuu baal maray hab maamuuskii ay Puntland u diyaarisay, waxaana xiligaas eedeynta Puntland laga dheehan karay in ay ka xumaatay dhalinyaro badan oo Kheyre uu khudbad uga jeediyey Waqooyiga Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -