Puntland oo caruur 20 ka badan dib ugu celineysa Muqdisho iyo Baydhabo (Sababta)

Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska ee Maamulka Puntland ayaa shaacisay iney dib ugu soo celineyso Magaalada Muqdisho caruur ay sheegtay in laga soo xaday qoysaskoodii.

Caruurtan qaarkood ayaa laga qabqatay magaalada Boosaaso iyagoo habowsan, halka qaar kalena la geeyey saldhigyada Booliska markii shacabka magaalada ay ogaadeen in qoysaskoodii lagala soo baxsaday sida ay sheegtay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland.

“Anagoo kaashaneyna heyadaha qaarkood sida Unicef iyo Tadaamun waxaan maalmaha soo socda dib ugu celineynaa Muqdisho 21 caruur ah oo siyaabo kala duwan loo soo xaday si ay qoysaskooda ula Midoobaan” ayey tiri Wasiirada.

Caruurtan ayey sheegtay wasiiradu in 11 ka mid ah ay reer Muqdisho yihiin, 7 kale ay aadi doonaan degmada Afgooye, halka labada soo hartay loo gudbin doono Magaalada Baydhabo.

Waxay xustay in caruurtan ay in muddo ah gacanta ku heysay Wasaaradda ayna hubin doonaan marka la diro ka dib iney la midoobeen qoysaskooda oo lagu hagaajin doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -