Macalin Jaamacadeed oo dil aad looga naxay loogu geestay magaalada Muqdisho

Kooxo burcad hubeesan oon heebtooda la garan ayaa xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Jaamacaddaha kuyaalla magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay kooxo burcad ah ayaa Suuqa Degmada Dharkeenley ku dilay  Cusmaan Axmed Macow, oo kamid ahaa macalimiinta wax ka dhiga Jaacadda Horseed ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in muran uu dhax maray macalinka la dilay iyo kooxda burcada ah, waxaana dilka kadib burcada macalinka kasii qaateen moobeel uu watay iyo agab kale.

Dilkan loo geestay Macalin Cusmaan Axmed Macow waxaa aad uga naxay eheladiisa iyo sidoo kale ardaydii uu macalinka u ahaa, waxaana baraha bulshada laga dareemayaa tacsida macalinka gardarada loo dilay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo batay burcada dhaca iyo dilalka u geesanaya shacabka ku dhaqan xaafado katirsan Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -